Somaliya: Ahmiyadda Shirka Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyada!Siyaasi Cali Guray,
July 8, 2020 - Written by Berbera Today
Dawladda Federaalka Iyo Dawlad Goboleedyadu waa labada dhinac ee ugu muhiimsan uguna awoodaha badan ee ay ku xidhan tahay qabsoomidda doorashada Somalia oo muddo bilo ahi ka hadhsan tahay wakhtigeedii. Ilaa hadda waxa jira Guddi Doorasho oo heer Fadaraal ah oo la magacaabay laakiin aan Dhismo ahaan dhamaystirnayn sababtana waxa loo nisbayn karaa Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada oo aan ilaa hadda isla meel dhigin qaabkii doorashadu u dhici lahayd. Marka aynu eegno warbixintii Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku ay ka jeedisay Baarlamanka waxa cad in Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo qorshaheedu yahay in qaabka Doorashadu noqdo hal qof iyo hal cod, taas oo aan suurtogal noqon karin hadii aanay la qaadanin Dawlad Goboleedyadu. Way fiicnaan lahayd Somaliyana guul aanay gaadhin 50kii sanadood ee ugu dambeeyay way u noqon lahayd hadii ay suurogal noqon karayso.