berberatoday.com
Maxaad Kala Socotaa Xasuuqii Boosniyiinta Seerbiyiintu Ugeysteen Sanadihii 1992 Ilaa 1993-kii”W/Q Moh’ed Ahmed
July 11, 2020 - Written by Berbera Today

Dabayaaqada Qarnigii 20aad, Mar kale Dunidu waxay dhaayaha Saartay Isir Sifayn midkii ugu darnaa Ee ka dhaca Qaarada Yurub Dagaalkii 2aad Ee Dunida Kadib, Xasuuqan loo geystay Musliminta Booshnaaq Ee Boosniya. 8 kun oo Dadkaasa ayaa Dunida Laga tirtiray, Halka kumanaan kalena Laga barakiciyey Dhulkoodii Hooyo.

Boosniye Hersogofina ayaa qayb ka ahayd Jamhuuriyaddii Ballaadhnayd Ee Yuguslaafiya oo ka koobnayd toddoba dawladood oo Kala ah Kureshiya, Seerbiya, Boosniya Hersegofina, Isloofeeniya, Montanegaro, Masadooniya & Koosafo oo hoos imanayey Nidaam Shuuciya kana mida dawladihii ugu awoodda badnaa Qaaradda Yurub.

Horraantii Sagaashameeyada Qarnigii 20aad Dalweynihii Yuguslaafiya waxa dhex qaadday Qowminimada, waxana Samaysmay Dhaq dhaqaaqyo QowmiyadahaJamhuuriyaddaa Ku bahoobay ku doonayaan in ay kaga hoos baxaan Yuguslaafiya, Isloofeeniya ayaana Hormuud u noqotay waddamadaa Madax bannaanida doonayey 1991-kiina Ka go’day Yuguslaafiya.

Boosniya iyana kalkeeda qabanqaabisay Afti Go’itaan oo ay kaga baxayaan Yuguslaafiya, taas oo ay ka biya diideen oo qaadaceen qaar kamida Siyasiyiinta Seerbiyiinta Boosniya.

Aftidaa ayaa qabsontay Feb 29,1992 Natiijadii ka soo baxdayna waxay noqotay in Cod Aqlabiyada loogu codeeyey Madaxbanaanida.

Intaa kadib waxa isa soo taray Aqoonsiga iska soo daba dhacaya Ee Jamhuuriyaddan Cusub waa Boosniya Hersogofina’e. Markaas ayaa Ciidamada Seerbiyiinta Boosniya oo Taageero ka heleya Xukuumadda Seerbiya islamarkaana uu hogaaminayo Solobodon Milasofij & Maleeshiyo Ka mida Ciidamada Yuguslaafiya oo ah gacanta Seerbiya ku dhirbaaxayso Boosniya ay Iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Muslimiinta Boosniya.

Wakhtigaa ayay bilaabantay Isir sifaynta,Bara kicinta & Kufsiga Loo gaystay Haweenkii Muslimka ahaa Ee Boosniya.

Isir Sifaynta & Xasuuqa Ugu weyn ayaa ka dhacay Magaalada Serbreenisa Maarij, 1995 Markaas Gacan ku dhiigle Radofaan Karaadij hoggaankii Seerbiyiinta boosniya Go’domiyey Serbreenisa Si dagaalyahannada Boosniyiintu uga Baxaan Magaada.

Serbreenisa oo ku taal bariga Boosniya, Dadka degan Seerbitiintu waxay u arkeen Caqabada keliya ee Hor taagan midaynta & Isku haynta baaqigii Yuguslaafiya.

Abril,1993 Hay’adda Qaramada Midoobay aya ku dhawaaqday in Serbreenisa tahay goob ammaana oo ay gacanta ku hayaan, iyaga oo geeyey Ciidamo Nabad ilaalineed Holandiisa oo tiradooda lagu qiyaasay 400 oo Askari.

Taa beddelkeedana Dagaalyahannadii Boosniyaanka ahaa waxay ku samaysay hub ka dhigis, Arrintan ayaa dhabbaha u xaadhay ugu dambayn in 1995 Ciidamadii Seerbiyiinta Boosniya gudaha u soo galaan oo qabsadaan Serbreenisa, halkaana ay ka geystaan Isir Sifayn aan loo meel deyin iyada oo indhaha Dunida oo dhami daawanayaan.

Dhacdooyinka ugu xanuunka badan ee Wakhtigaa dhacay ayay ka mid ahaayeen in ragga Si wadar ah loo dilo, Halka dumarkana Ciidamadu intay Fara xumeeyaan Kadibna Si wadara U dilayeen. Ciidamadii Nabad Ilaalinta U joogay ee Holandiiska ahaana ay dadka Baxsadkaa Ee Naftooda La cararaya & Kuwa Magan ahaan Xeryahooda U soo gala ay u gacan Gelinayeen Ciidamadii seerbiyiinta Boosniye Ee Xasuuqa Isir sifayntaa Ka waday Magaalada.

25 SANNO GUURADA KA SOO WAREEGTAY XASUUQII BOOSNIYA 1995

Moh’ed Ahmed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews