Alle Ha Unaxriisto Raysul-wasaarihii Hore Ee Somaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax Oo Turkiga Ku Geeriyooday
July 12, 2020 - Written by Berbera Today
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax, ayaa maanta ku geeryooday dalka Turkiga. Alle ha u naxariisto marxuumka ayaa waayadan danbe xaalada caafimaad ujoogay dalkaasi.
Marxuum Xasan Abshir waxa uu soo noqday Duqa caasimadda Muqdisho xiliyadii Dawladii Milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare hogaaminaayay sidoo kale waxa uu Wasiir Arrimaha Gudaha kasoo noqoday maamul goboleedka Puntland iyo Xildhibaan dawladii Ku Meelgaadhka ahayd ee Somaliya.
