Wakhtiga Ay Dib U Bilaaban Doonaan Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Ogaaday.
July 14, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa dhawaan baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu balansanaa inay ka furmaan dalka Jabuuti.
Kulamadaasi oo ay ku balansanaayen Guddiyada farsamo ee labada dhinac inay dalka Jabuuti uga furmaan todobaadkii hore bilowgiisa si loogu sii ambo-qaado wada-hadallada labada dhinac ayaa gebi ahaanba qabsoomin.
Xog ay heshay warbaahintu, ayaa tibaaxeysa in furitaanka wada-hadalladaasi ay dib u dhaceen muddo todobaad ah, isla markaana ay dib u bilaaban doonan todobaadyada soo socda.