Masar Iyo Turkiga Oo La Filaayo Inay Isku Faro Saaraan Dalka Libya Gudihiisa
July 14, 2020 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Baarlamanka Libya ee fadhigiisu yahay bariga dalkaas ayaa meel mariyey mooshin lagu ansixinayo in ciidamada Masar ay soo faro-geliyaan dalkaas haddii loo baahdo, si ay u ilaaliyaan “amniga qaran” ee labada dal, xilli ay jirto wax ay ugu yeereen “qabsashada” Turkey.
Baarlamanka ayaa taageera Jeneral Khalifa Haftar, oo muddo sanad ka badan waday dagaal uu markii dambe ku fashilmay oo uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, halkaasi oo fadhi u ah dowladda caalamku aqoonsan yahay.