berberatoday.com
“Waxyaabaha Lagu Xasuusan Doono Madaxwayne Biixi Ee Rikoodhka Ugalay Waxa Ka Mid Ah, Sidii Komishankan Uu Cid Kasta Sanka Ugaga Tolay, Oo Xagiisa Uga Dhigan Guul Wayne”Cali Guray.
July 14, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed yuusuf “Cali Guray” oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa ka hadlay tanaasulka xisbiyada mucaaridka ee aqbalaada komishanka riyo raac.

Sidoo kale siyaasi cali ayaa xusay in asxaabtu aqbalaan komiishanka  riyo raac ay dhinaca madaxwayne biixi guul wayn ka dhigan tahay rikoodhkana ay ugali doonta

Siyaasi cali ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay idhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Waar Inaga Daaya Dhan Uun Wax ha inaga yimaadaane. Ilayn nin masuuliyaddu Aanay farayn In Mar Keliya Uu Isagu Dadkiisa U tanaasulo La Is Haysan maayo uun eh.

Waxyaabaha lagu xasuusan doono Madaxwayne Muuse Biixi ee “legacy” u noqon doona waxa ka mid noqon doona sidii Komishankan uu cid kasta sanka ugaga tolay, oo xagiisa uga dhigan guul wayne iyo dagaal uu cid walba kaga adkaaday. Taariikhduna iyadaa is qortay oo waa runta la wada og yahay guul iyo fadeexad tii ay tahayba.

Laakiin Komishanku eed ma laha labada xisbi mucaarad laftooda ha la yaabin nin faras dabadii ka degay wax u dhaamuu wayay horaa loo yidhi. Waar inaga daaya bal in doorasho mar uun la gaadho, haday ka noqtay dee la yaab ma laha.

Aniguna waan qaatay hambalyo ayaan leeyahay Gudoomiye Riyoraac iyo xubnaha Komishankiisaba. Ilaahayna ta san ha waafajiyo

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF(CALI GURAY).

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews