“Ciidanka Qaranka Ee Jiidaha Hore Ee Muddada Dheer Difaaca Somaliland Mar Kasta Heeganka U Ahaa, Wax Kasta Oo Abaalmarino Ah Way U Qalmaan”Cali Guray.
July 15, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ee badi ka hadla Xaaladaha dalka ka taagan ayaa soo dhaweeyay bilad Geesiyada la gudoonsiiyay saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee bariga Somaliland gaar Ahaan deegaanka tukaraq oo maanta taliyaha ciidanka Qaranku gudoonsiiyay qaarkamid ah bilad geesiyo.
