Dood Si Qotodheer Loogu Lafa-guray Dedaallada Doorashooyinka iyo Daafadda Covid19 oo Xarunta Dhaqanka Hargeysa Qabatay
July 16, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dood si qoto dheer loogu lafa-guray dedaallada doorasho-doonka ee ka socda dalal badan oo ay Somaliland ka mid tahay iyo saamaynta uu ku yeeshay amma ku yeelan karo qabsoomidda doorashooyinkaas cudurka Covid-19 ee dunida aadka ugu faafay.
Waxaa falanqayntan lagaga hadlay nidaamka dimuquraadiyadeed ee Afrika iyo sida sadhada Koofidh-19 u saamaysay, gaar ahaan doorashooyinka, xaaladaha degdega ah ee waddamadda qaar ay soo rogeen iyo guud ahaan awoodaha fulineed ee dawladaha ay Somaliland, Itoobiya iyo Kenya ka midka yihiin oo xilli doorashooyin u qorshaysnaa qabashada iyo diyaarintooda ay Sadhada Covid-19 ku soo beegantay.