Somaliland Oo Ciidammo Dul-dhigtay Wafti Masuuliyiin Maamulka Puntland Ka Tirsan Oo Buuhoodle Yimi
July 16, 2020 - Written by admin
Tukaraq(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa hanjabaad culus u diray masuuliyiin Wasiirro ka mid yihiin oo Puntland ka tirsan, isla markaana safarro ku joogay maalmahan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle, waxaanu sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan haddii aanay si dhaqso ah uga bixin ciidda Somaliland.
Ciidammada Somaliland waxay hawlgal nabadgelyada lagu sugayo ka sameeyeen nawaaxiga Buuhoodle, isagoo Taliyuhu ugu baaqay Waftiga Buuhoodle jooga ee Puntland inay iskaga baxaan dhulka Somaliland iyaga oo nabad-qaba. Waxaanay Saraakiil kale oo Millateriga Somaliland u hadlay sheegeen inay xidheen waddo kasta oo ay rabaan inay maraan Waftiga Maamulka Puntland inay uga soo gudbaan Buuhoodle, si ay u yimaaddaan Horufadhi iyo Ceegaag oo ay ka socdaan shirar lagu nabadaynayo beelo walaalo ah oo shaqaaqo deegaannadaas ku dhex-martay dhawaan.