Mobilo Bilaa Cashuur Dalka Kusoo Galay Oo Booliska Gobolka Saaxil Qabtay Iyo Kastamka Berbera Oo Dib Ucashuuray
July 18, 2020 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Kootarabanka ayaa ah tabo ay isticmaalaan ganacsadada qaarkood marka lagu giijiyo illalinta cashuuraha ee kastamada dalka Somaliland
Bishan julay 15-keedii ayaa Gaadhi noociisu yahay Waraad ah oo sida Hadhuudh waxa lagusoo dhex qariyay Moobilo nooca loo yaqaan Tikno oo tiradoodu dhamayd 1050 kun iyo konto xabo,

Kantaroolka Rugta Booliiska ee Tuulada Hundisa ayaa Qabtay Moobiladan oo sife bilaa cashuur ah kusoo galay dalka waxaanay ugudbiyeen taliska Booliska Gobolka Saaxil oo ku wareejiyay Maamulka Kastamka Berbera Mobiladan oo ku jiray 7 Kartoon.