Ra’iisal Wasaaraha UK Ee Boris Johnson Oo Sheegay Wakhtiga Ay Taageerayaashu Garoomada Ku Laaban Doonan
July 18, 2020 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha dalka UK ee Boris Johnson ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu rajaynayo in jamaahiirta ciyaaraha kala duwan loo ogolaan doono inay sidii caadiga ahayd garoomada uga qayb galaan kaddib mudo ay ka maqnaayeen.Sida uu sheegay Boris Johnson, jamaahiirta gaar ahaan kuwa ciyaaraha kala duwan xiiseeya ee ku sugan guud ahaan UK ayaa garoomada dib ugu laaban kara bisha October ee sannadkan.
