berberatoday.com
Arsenal Oo Iska Xaadirisay Finalka Tartanka Koobka FA Cup-ka Kadib Guul Ay Ka Gaadhay Man City”Daawo Muuqal
July 19, 2020 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Kooxda reer London ee Arsenal ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka FA Cup-ka kaddib markii ay guul ka gaadhay Manchester City, kulan labo jeer uu shabaqa soo taabtay Aubameyang.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa goolka la horreysay, waxaana 19’daqiiqo bilowgii ciyaarta u dhaliyey weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang, kaddib markii uu dhammaystiray karoos uu ka helay saaxiibkiis Nicolas Pepe.

Gunners oo kulankan sameysay difaacasho cajiib ah ayaa dhowr fursadoo ku heshay Man City kuwaasoo ay hoggaanka ciyaarta ku dheereysan kartay, balse uma suuro-gelin kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 looga gacan sarreeyey kooxda uu hoggaamiyo Tababare Pep Guardiola.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man City ayaa ku dhowaatay inay goolkaas iska soo barbareyso balse ma dhicin, waxaana la aaday aalladda VAR kaddib markii Mustafi uu qalad ku galay Sterling oo ku jiray xerada ganaaxa ee Gunners, waana laga diiday in loo dhigo rigooradaas.

Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysatay waxaana markale shabaqa soo taabtay 71’daqiiqo Pierre-Emerick Aubameyang, kaddib markii uu caawin qurux badan ka helay Kieran Tierney kubbad dabo mareyn ahayd oo Man City la gaaday maadaama ay weerar ku maqnaayeen, waxaana ciyaarta laga dhigay  2-0 ay ku gacan sarreysay Gunners.

Manchester City ayaa dhowr jeer isku dayday inay goolashaas iska soo celiso balse daafaca Arsenal ayaa iska diiday sheekadaas, waxaana kulanku uu ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaatay Arsenal.

Arteta ayaa garoonka Wembley ku garaacay Guardiola, waxaana uu Final-ka FA Cup-ka ku sugayaa kooxdii soo adkaata habeen dambe Manchester United iyo Chelsea.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews