Reer Awdal Yaanay Eegin Muraayad Haada Gaadhiga ee Ha Eegaan Xaga Hore Ee Loo Socdo…W/Q:-Saxafi Sare Abiib Iimaan Xassan.
July 19, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waqtigii dhamaadkii dawladii siyaad barre aqoonta dhaqanka iyo guurtida reer awdal waxay ka taliyeen dariiq lagu horumaray, dariiq loo maray guul aan hore loo gaadhin dariiq la tilmaansado dariiq loo aayey.
Waa dariiqii ay ku yaqleeleen nabad waartay iyadoo maalmahaa qiiq madoobi ka baxayey hangaradii baabu naas ee kasoo horjeeda fagaaraha weyn ee banaan baxyada lagu qabto oo waqtigan lagu magacaabo khayriyada hase yeeshee aan hore loo odhan jirin.
Abuuritaanka nabaddaasi qofkii u horeeyey ee u geeriyoodaa wuxu ahaa cali faarax sayax oo dabley ku dishay berbera qaban qaabada shirkii koowaad ee nabadaynta beelaha somaliland waxa xigay qabsoomida shirweynihii burco ee somaliland lagaga dhawaaqay oo reer awdal ka mid ahaayeen ragii qalinka taariikhiga ah ku saxeexay.