Loolan Ka Dhexeeya Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Dibadda U Soo Baxay
July 21, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulankii Shalay dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Odayaasha Dhaqanka reer Awdal ee ay kaga cabanayeen saamiga Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa waxa uu ifka usoo saaray arin qarsoonayd oo u dhexaysa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin.
Waxa ifka u soo baxday in Wasiirka Ganacsigu Maxamud Saajin uu loolan ugu jiro inuu doorka dambe badelo Cabdiraxmaan Saylici islamarkaana uu bannaan ka helo Kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ee Xisbi Xaakimka Kulmiye, Waxaana arinta laga ogaaday Kulankii Shalay taasi oo ay Wargeyska Foore u sheegeen Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolkaasi Awdal kuwaasi oo sheegay in Wasiir Saajin oo qorshihiisan oo aan qarsoonnayn wataa uu Saylici kaga badiyay inuu door mihiim ah oo madaxtooyaddu u riyaaqday uu ka ciyaari kulankii shalay.