berberatoday.com
Maraykanka Iyo Lix Waddan Oo Carbeed Oo Cunoqabatayn Kusoo Rogay Shaqsiyaad Iyo Shirkaddo Lagu Eedeeyay In Ay Maalgaliyaan ISIS.
July 21, 2020 - Written by admin

USA(Berberatoday.com)-Mareykanka iyo lix waddan oo kale ayaa cunaqabateyno cusub Kusoo rogay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay gacan ka gaysteen maalgalinta howgallada kooxda ISIS iyagoo boqollaal kun oo doollar ugu deeqay hoggaamiyeyaasha kooxda ee Ciraaq iyo Suuriya.

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah sidii kor loogu qaadi lahaa carqaladeynta shabakadaha maalgalinta argagixisada ee adduunka,” ayuu yiri Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

“Tallaabooyinka maanta la qaaday waxay digniin dheeri ah u yihiin shakhsiyaadka iyo ganacsiyada bixiya taageero maaliyadeed ama kaalmo maadi oo ku wajahan ururrada argagixisada,” ayuu yidhi Mike Pompeo.

Wadamada soo rogay cunoqabatayntaan waxay kala yihiin, Mareykanka, Baxrayn, Kuweyt, Cumaan, Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxaa ku jira cunaqabateynta sedex shirkadood oo bixiya adeegyada lacagaha ee Siiriya, Waaxda Lacagta Mareykanka ayaa sheegtay inay door muhiim ah ka cayaartay wareejinta lacagaha lagu taageerayo dagaalyahanada ISIS waxayna siisay boqolaal kun oo doollar hogaanka ISIS.

Tan iyo markii laga adkaaday waxa loogu yeero khilaafada islaamka ee Daacish sanad ka hor, kooxdu hadda awood uma lahan in ay canshuur ka qaadaan dadka maxalliga ah. Hase yeeshe, khubaradu waxay leeyihiin ISIS ayaa haysata lacag aad u fara badan, taas oo ay u isticmaasho maalgalinta dhaqdhaqaaqyada kooxaha.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews