berberatoday.com
Jabuuti Oo Ka Hadashay Dib Ubilaabista Wadahadallada Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Soomaaliya
July 22, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay diyaarinta saaxadii lagu geli lahaa wadaxaajoodyo lagu guulaysto oo ay yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidaasna waxa xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ay soo xigatay qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka, oo uu kaga hadlay Dib u bilaabista Guddiyadii farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu tilmaamay in dalkiisu ku foogan yahay diyaarinta saaxadii ay ku qabsoomi lahaayeen wadahadal taabogal ahi.

Wasiirka Khaarajiga Jabuuti wuxuu soo jeediyey in ay lagama maarmaan tahay in samir loo yeesho, inta meesha laga saarayo caqabadaha wiiqi kara geddi-socodka wadahadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirkan ayaa ahaa hawl fududeeyihii hagayey shirarkii Somaliland iyo Soomaaliya iskugu yimaadeen 14kii illaa 18kii Bishii June 2020.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Somaliland iyo Soomaaliya isku raaceen inuu martigeliyo Wadahadalladan jiitamay. Iyadoo la weriyey shirkii Guddiyada farsamo ee lagu waday inay Jabuuti ka furmaan badhtamihii bishan July ay Dawladda Farmaajo soo dalbatay in dib loogu dhigo.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku guulaysatay wadahadalkii u dambeeyey,kadib markii la oofiyey baaqeedii ahaa in shirka ay goob joog ka noqdaan beesha caalamku isla markaana la helo ergo dhexdhexaadineed oo si dhow ula socota miiska Wadahadalka. Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi shirkii u dambeeyey ka jeediyey khudbad adag oo uu ku soo bandhigay sharciyadda caalamiga ah ee ay Qaddiyada Somaliland waafaqsan tahay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews