Xogo Dheerada Oo Laga Helay Waftigii Dawlada Itoobiya Usoo Dirtay Somaliland Iyo Nuxurka Fariin Ay Ka Sideen Raysal-Wasaare Abiy Axmed!
July 23, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa Hargeysa u soo dirtay wefti culus oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.
Weftiga oo ka koobnaa saddex xubnood, ayaa waxay wateen diyaarad gaar ah, waxaana madaarka Hargeysa ku qaabilay wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire. Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan, laakiin ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in weftigu markii ay dalka yimaadeen ay kulan toos ah la yeesheen Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegay inay Madaxweyne Biixi gaadhsiiyeen farriin ay ka sideen Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.