berberatoday.com
Somaliland: Hablo Ku Dhiiradday Ka Shaqaynta Kaalmaha Shiidaalka
July 25, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Nuura Iyo Haboon oo ah Hablo dhallinyarro ah oo aqoonyahanno ah ayaa ku dhiiradday inay ka shaqo bilaabaan shirkadda Hass oo ay qayb ka noqdaan in baabuurta dadwaynaha ku shubaan shiidaalka iyadoo horre loogu yaqaanay rag qudha.Nuura iyo Haboon ayaa is isu-mid ah u sheegay inay shaqaddan aad ugu faraxsan-yihiin oo aanay kala kulmin wax caqabado iyo dhalliil ah.

Nuura iyo Haboon ayaa sidda ku sheegay warraysi ay siiyeen Maxamed Cumar Taariq oo ka tirsan teleshinka RTN, waxaynna sidoo kale u mahadceliyeen Maamulka Shirkadda Hass. Nuura Iyo Haboon oo arrimaha sharraxay waxay yidhaahdeen:“Shaqaddan aad baannu ugu farraxsannahay, kolay waa casri oo horre looma arag oo aad iyo aad bay u fiican tahay shaqaddanni oo farxad badan baan dareemayaa in aan ka mid noqdo shaqaalaha Hass. Shaqo la’aan badan oo waddanka ka jirta way soo afjaraysaa, marka kolay annigu hormoodkii-baannu nahay. Laakiin waxa rejaynayaa hablo badan oo nalla mid ah inay maanta ka bixi doonaan shaqo la’aantii dalka ka jirtay iyo caqabadihii horyaallay. Taas oo ah in aad nalloo soo dhaweeyey, xitaa soo dhawayn aanan waligay ku riyoon, haddii ay tahay dadka aannu la shaqaynaynno, haddii ay tahay maamulka farxad badan baa nallagu soo dhaweeyey

“Waa runta oo shaqaddan ragbaa lagu yaqaanay. Laakiin markii aannu bilownay oo aannu hormoodkii noqonay, dee falcelinta bulshadda runtii aad baa naloo soo dhaweeyey oo wax na diidda ama na yidhaahda kuma habooniddin manaan arag wali.Laakiin bulshaddu haa-bay noo hayaan, taas oo na sii dhiiri-gelisay oo farxad badan na sii dareensiisay in aannu in badan halkan ka sii shaqayno oo hamigayaggii kor u sii qaaday.”

“Waxay noqonaysa markii ugu horraysay ee dumarku halkan (Kaalin shiidaal) ka shaqeeyaan, waxaan aaminsannahay inay dumar wax walba qaban karayaan. Waayo dadku isu-fikraddo ma’aha oo dadku aad bay noo soo dhaweeyaan. Shaqaddan dhawaan baannu soo galay oo wax caqabaddu ah oo aannu aragnay intii aannu ku jirnay.”

Cali Yuusuf Qodax madaxa kaalmaha ee shirkadda Hass ee ay ka shaqeeyaan Haboon Iyo Nuura ayaa ka warramay qaabka ay ugu dhiiradeen inay shaqaddan u diraan hablo, waxaannu yidhi”Waa qayb ka mid ah shaqo abuurka dhallinyaradda. Marka ay soo qallin jabiyaan wiil iyo hablo fara badan oo shaqooyinku iska yaraadeen, waxa ugu muhiimsan in laga qayb-galayo hablaha iyo wiilasha shaqooyinka ay qaban karaan. Marka shaqaddanni waa shaqo habluhu qaban karaan, markaad eegto wadddamadda adduunyadda oo dhan, marka in shiidaal la shubbo waa qayb ka mid ah adeegayagga oo la sii hormarinayo.”Ayuu yidhi Cali Yuusuf

Xigmad ayaa ahayd cabsidu qofka waxay ka dhigtaa curyaan iska fadhiyaa

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews