berberatoday.com
Somaliland Oo Talo Ka Dhiibatay, Meelna Iska Taagtay Khilaafka Cirka Isku Shareeray Ee Masar Iyo Itoobiya
July 25, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Waftiyo ka kala socday Dalalka Itoobiya iyo Masar oo marar kala duwan Hargeysa yimi, kulammana la yeeshay Madaxda dowladda u soo jeedisay inay qaab ay u aragtay inay ku dhammayn karaan khilaafka cakiran ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ee la xidhiidha isticmaalka biyaha Webiga Nile.

Somaliland waxay Waftiyada Itoobiya iyo Masar ka yimi ee ay Hargeysa ku soo dhawaysay u sheegtay inay door dhexdhexaadin ka qaadanayso Muranka Biyaha Webiga Nile ee u dhexeeya labadaas dal oo dhawaanahan xoog u sii xoogaysanaya, isla markaana fadhiyo badan oo ay Masar iyo Itoobiya yeesheen isku mari waayeen, kuna kala dhaqaaqeen dhawr jeer.

Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide, ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland Arbacada toddobaadkan dhammaaday, waxaanay ka wadahadleen Madaxda Somaliland ee ay kulmeen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Warsidaha East Africa Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa ku warramay in Somaliland u soo jeedisay Waftiyada Itoobiya iyo Masar inay dhexdhexaadiso khilaafkooda la xidhiidha biyaha Webiga Niilka.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen masaalixda labada dal.

East Africa Business Week, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Itoobiya ay yihiin xulafo aad isugu dhaw oo ku yaalla geeska Afrika, gaar ahaan, waxa uu sheegay in labada dal ay shuraako ku yihiin casriyeynta Dekedda magaalada Berbera oo Itoobiya ku leedahay Saami dhan 19% kiiba, taas oo ay maalgelinayso Shirkadda DP world.

Warsiduhu waxa uu intaas ku daray, inay Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqeeyaan jid dhererkiisu yahay 250Km oo isku xidhaya Berbera iyo magaalo-xudduudka Wajaale, kaas oo ay gacanta ku hayso dhismihiisa Hay’adda Abu Dhabi Fund ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

 

Intaa haddaynu kaga nimaadno xogta waftiyada Itoobiya iyo Masar ee Hargeysa yimi. Somaliland, waxay dhawaan xidhiidh la yeelatay, xafiisyana is-dhaafsadeen dalka Taiwan, waxaana xidhiidhkaas ka xumaaday waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya oo midna sheegta inay Somaliland weli qayb ka tahay midna sheegta inay Taiwan ka mid tahay. Inkasta oo Somaliland iyo Taiwan mid waliba madax-bannaanideeda gaar ugu dhawaaqday, haddana midkoodna weli aqoonsi kamay helin Dunida.

Itoobiyana waxa la sheegay inay sidoo kale ka xumaatay xidhiidhka u bilaabmay Somaliland iyo Masar, waxayse Somaliland ku doodaysaa inaan xidhiidhadaas midkoodna dal iyo dawlad gaar ah dhibaato ku lahayn, balse ay Somaliland ka eegayso daneheeda. Waxaanay u muuqataa Jamhuuriyadda Somaliland, xidhiidho badan oo ay hor leh inay la samaynayso dalal kala duwan oo dunida ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews