Somaliya: Horaa Loo Soconayaa”Siyaasi Cali Guray.
July 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somalia Maaha Dawlad Madaxwayne sida Dawladda Somaliland oo kale ee waa Dawlad Baarlaman. Go’aanka Aqalka Hoose maanta uu kalsoonidii kagala noqday xukuumaddii RW Khayre wuxu dhaliyay muran sharci golaha dhexdiisa iyo dibaddiisaba. Hadaba su’aashu waxay tahay saw ma jiro sife sharci oo xildhibaanada tirada yar ee ka soo horjeeda go’aanka goluhu ay u mari karaan si hadii sax tahay doodoodu waxba kama jiraan ka dhigi karaa mise ma jiro? Hadii uu jiro dabcan wuu jiraaye waxa u furan in ay ku talaabsadaan. Dabcan ugu dambaysta sida caadiga ah Maxkamada Sare ayaa leh in ay tafsiir sharci ka bixiso sharciyadeeda ama sharci darrada go’aankan hadii uu ka hor imanayo Dastuurka Somalia. Madaxwayne Farmaajo sida uu sheegay isagu keliya wuxu aqbalay Go’aanka Golaha Shacabku ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda RW Khayre. Markaa isagu wuxu iska fogeeyay in isagu in wax lug ah uu ku lahaa ama ku leeyahay khilaafka golaha laakiin dabcan uu aqbalay kuna qasbanaa in uu aqbalo.