“Wax Kasta Oo Lid Ku Ah Doorashooyinka Ha Laga Heshiiyo, Ciddii Cabasho Qabtana Hala Qanciyo”Xil qabile H
July 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudayaanasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka digay Doorashooyin dambe oo dib u dhaca, waxaanu ku taliyey in xal deg-deg ah laga gaadho wax kasta oo dib u dhigi kara.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Muddo 15 sanno ah ayaanu Golaha Wakiillada joognay oo Doorashadii 2005-kii Doorasho ka dambaysay oo dhacday ma jirin oo dhinaca Doorashada Wakiillada ah, marar badan muddo kordhin ayaa naloo sameeyey, kadib markii ay qabsoomi wayday, sidaas darteed anaga Gole ahaan lexe-jeclo nagama hayso in aanu sii fadhino kuraasta, ee wax kasta oo lid ku ah Doorashooyinka ha laga heshiiyo, oo xal ha laga gaadho, cid kasta oo cabasho iyo tabasho qabtana ha la qanciyo”.