“2021ka In Ay Doorasho Qabsoomi Karto Weli Su’Aal Baa Saaran, Waayo Mawqifka Madaxwaynaha Laftiisa Ayaad Moodaa In Aanu Cadayn In Uu Daacad Ka Yahay” Cali Guray.
July 27, 2020 - Written by admin
Somaliland:-Doorasho Lagu Heshii Mase Muuqato. Waayo? Siyaasi Cali Guray.
Sadexda Xisbi Labada Mucaaradka Waa run oo way ka go’an Tahay in doorashadu ay qabsoonto, weliba Kulmiye waxay la Wadaagaan in labada doorashado aan la kala qaadin ee mar la Wada qabto. Kulmiye doorashadu inay ka go’an tahay iyo in kale waxay ku xidhan tahay hadba mawqifka Madaxwaynaha oo isagu ah Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay isaga ku xidhan tahay dhamaystirka Xeerka Doorashada Baarlamanka. Golaha Wakiilada oo uu ku xidhan yahay go’aanka in doorashada lagu galo sidii hore ee lagu doortay golahan oo hadda fadhiyay 15 sanadood 54 xildhibaan ayaa ka tirsan xisbiga Madaxwaynaha ee Kulmiye. Laakiin waxa muuqata in xildhibaanada aqalka Wakiiladu aanay diyaar u ahayn in ay wax-ka-bedel ku sameeyaan xeerka si loogu geli karo doorashada, heshiiskii xisbiyadana loo dhaqangeliyo.