Dad Xashiishada Ku Beera Gudaha Somaliland Oo Ciidamada Boolisku Soo Qabteen
July 27, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Dad Xashiishad ku beeray gudaha magaalada Hargeysa.
Dadkan oo Beeralay ah ayaa laba Geedka oo waa weyn oo Xashiishad ah ku beeray Beertooda oo ku taalla degmada Daara-Salaam ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.
