Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Soo Bandhigtay Hal Arin Oo Kheyre Xilka Looga Qaaday
July 27, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, horena u soo noqotay wasiiradda arrimaha dibada Somalia, ayaa soo dhoweysay xil ka qaadista ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay baarlamaanka uu codka kalsoonida kala noqday.
Foosiya Yuusuf ayaa sheegtay in Kheyre uu hortaagnaa islamarkaana caqabad ku ahaa doorasho qof iyo cod ah in Soomaaliya ka dhacdo, iyadoo tilmaamtay inuu doonayay in Soomaaliya dib loogu celiyo doorasho dadban.
“Marar badan oo aan dhageystay hadalka ra’iisal wasaare Kheyre waxaan ka dhadhansaday hadalkiisa inaanu ogoleyn in Soomaaliya doorasho dadweyne ka dhacdo, haddii uu hor istaago wixii shan sano aan usoo diyaar garooownay oo wakhti badan nooga lumay waan ku qanacsanahay in nalaga hor leexiyo,” ayay tidhi Xildhibaan Foosiya oo u warameysay idaacadda BBC.