Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni Oo Kashifay Waxay Ku Wada Hadleen Isaga Iyo Madaxweyne Farmaajo
July 28, 2020 - Written by admin
Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxa uu banaanka keenay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo madaxweyne Farmaajo intii ay ku sugnaayeen magaalada Dhusamareeb.

Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay Dhusmaareeb dhowr jeer kulamo gaar ah ku yeesheen. “Shirarkii aan aniga la galay Farmaajo, madaxweynaha wuxuu diiradda aad u saarayay in aan kala shaqeeyo ajenda uu markaa u dhigayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, mudada lagu gaadhi karana ayna cayimneyn, u muuqaneysana in dowladda ay rabtay in wakhtiga loo kordhiyo”, ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.