Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in Somaliland wax ku noqon karayso marka shacabkeedu is kaashadaan oo ay u midoobaan dhibaato kasta oo hor taalla, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Somaliland oo dhammi marka ay isku darsanto ee ay waxeeda isu geyso ayey adduunka wax ka noqonaysaa, markaa waxan leeyahay dadku ha is kaashado, si aynnu uga baxno dhibaatooyinka jira.”
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bulshada ugu baaqay inay aamminaan awooddooda, si midaysanna uga hortagaan Aafada maandoorayayaasha kala duwan ee dalka lasoo gelinaya, islamarkaana ay arrintaas kala shaqeeyaan ciidamada Ammaanka.