“Ninka Isagoo Xaafad Borama Kamid Ah Jooga Leh Gabiley Doorasho Ka Dhici Mayso, Wax Aanu Aqbalayno Maaha,Awadal Ayay Wax Nagaga Maqanyihiin Anaga Oo Reer Gabiley Ah”Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan,
August 1, 2020 - Written by admin
“Anaga Oo Reer Gabiley Ah Ayay Awdal Iyo Maroodi Jeex Wax Nagaga Maqan Yihiin”Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan,
Gabiley(Berberatoday.com)-Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan Oo Kamid ah Madhax-qameedka Gobolka Gabiley Oo maanta ka hadlayay Munaasibadii Salaada Ciida ayaa si kulul uga jawaabay hadalo kasoo yeedhay Madax-dhaqameedka gobolka awdal iyo Qaarkamid Dhalinyarada Reer Borama oo marka ay tabashada reer awdal ka hadlayaan sheegta gobolka gabiley Ayaa caaqilku si toos ah ula hadlay isagoo fariin Culus Udiray.
