Xarakada Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Xil Ka Qaadistii Raiisul Wasaare Kheyre
August 1, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay xil ka qaadistii uu baarlamanka Xamar ku sameeyey ra’iisal wasaraihii hore ee Somaliya Xasan Cali Kheyre.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo jeediyey hadal ku aadan munaasabadda ciidda ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Soomaaliya “ay isku khilaafeen la dagaalanka diinta iyo kuwii u adeegayey,” sida uu hadalka u dhigay.
Cali Dheere ayaa sheegay ceydhinta Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo baxday wixii ay ka qarinayeen shacabka, oo uu sheegay inay isugu muujinayeen kuwa dantooda ka shaqeynayey.