Safiirkii China Ee Muqdisho Oo Maalintii Sadexaad Hutel Hargeysa Ah Ku Sugan Iyo Madaxweynaha Aan Weli Qaabilin
August 4, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka dalka China u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Madaxweyne Biixi.
Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo madaxweyne Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan.
Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo gaadhay heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan. Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan.
Hargeysa ayaa maalmahan noqotay caasimad martigelisay laba diblomaasi oo kala socda China iyo Taiwan oo si weyn isu haya.
Xigasho : Geeska Afrika.