Wasiir Ka Tirsan Xukuumaddii La Riday ee Khayre Oo Kasoo Horjeestay Muddo-korodhsiga Farmaajo Rabo
August 4, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Abuukar Islow Ducaale oo ka mid ah Wasiirrada Xukuumaddii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya riday 25-ka bishii hore, isla markaana ah sii-haya Wasiirka Ammaanka, ayaa sheegay inaan la aqbali karin in Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya muddo-korodhsi samaystaan, isla markaana doorashada dib loo dhigo.
Wasiir Islow oo maanta ka qeyb-galay shir mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ay ku leedahay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda dalka iyo doorashooyinka u muddaysnaa in dalka laga qabto dhammaadka sannadkan 2020 iyo bilowga 2021.