Liiska Musharixiinta Ugu Cad-cad Tartanka Ra’iisalwasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Iyo Kulammaddii Xalay Ee Siyaasiyiinta Somaliland
August 5, 2020 - Written by admin
Liiska Musharixiinta Ugu Cad-cad Tartanka Ra’iisalwasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Iyo Kulammaddii Xalay Ee Siyaasiyiinta Somaliland

Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa shalay galay la-tashiyaddii ugu horreeyey ee uu ku soo magacaabayo Ra’iisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii maalinimaddii Sabtidda xilka laga xayuubiyey Ra’iisalwasaarihii xukuumaddiisa ee Xasan Cali Khayre oo ay ka coddeeyeen 170 xildhibaan. Islamarkaanna uu Madaxweyne Farmaajo uu si deg-deg ah xilka Ra’iisalwasaaraha si ku-meel-gaadh ah ugu dhiibay ku-xigeenka ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)