Somaliland: Dhibaatada Maandooriyaha Xashiishaddu Dalka Ku Hayso Iyo Xaaladda Dhallinyarada Oo Laga Dayriyey
August 6, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, ayaa Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska ugu baaqay inay ka hor tagaan xaaladda kasta oo khatar ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka suuban, waxaanu si gaar ugu bogaadiyey ka hor taga xaashiishadda, waxaanu soo jeediyey in Dhalinyarada lagu qabto dhaqan xumada in loo sameeyo xabsiyo dhaqan celin ah.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in xoogga la saaro sidii wax loogu qaban lahaa dadka masaakiinta ah ama danyarta ah, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xaashiishad aad u badan ayey Ciidamada amaanku qabteen, dhaliyaro aad u badana waa lagu qabtay, oo haddaad tagto Saldhiyada kala duwan ee dalka waxaad ku arkaysaa dhalinyaro badan oo u xidhan xashiishad iyo maandooriye lagu qabtay, sidaas darteed Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska talaabadan waan ku bogaadinayaa, laakiin talada aan soo jeedinayo ayaa ah dhalinyarada ha loo sameeyo Xabsiyo dhaqan celin ah oo wax lagu baro, oo yaan lagu xidhin Xabsiyo kale oo yaan lala xidhin dad kale oo dhib mooyee aanay dheef ka faa’iidayn”.