Somaliland: Wasaarad Iyo Komishan Dowli Ah Oo Cidda Ay U Shaqeeyaan Ku Socodsiiyey Qoraalo Is-Burinaya!
August 7, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland, ayaa qoraalo is- burinaya u kala diray xarumaha Caafimaadka iyo goobaha bixiya adeegyada caafimaad ee kala Duwan, waxayna labadaas qoraal ee iska soo horjeedaa ay Muujinayaan dhibaatooyinka ka dhex taagan Wasaaradaha iyo Komishannada ama Hay’adaha dawliga ah ee gaarka ah, shaqooyinkooda iska khuseeyaan dhinacyo kala duwan.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu ku saxeexan yahay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaas Md. Mahdi Cismaan Cismaan Buuri Sheikh Mahdi Osman Buuri, soona baxay 27 July 2020, waxa uu ku socodsiiyey Dhammaanba xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay oo Uu ku amray inay muddo bil gudaheed ah Wasaaraddiisa kaga qaataan ogolaansho ay kaga shaqeeyaan gudaha Somaliland, isagoo qoraalkaas ku xusay in cidda fulin wayda awaamiirta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.