Diyaaradda Air India Oo Burburtay Iyadoo Sidda 191 Qof Oo Rakaab Ah
August 8, 2020 - Written by admin
Kerala(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas, sida ay saraakiil sheegeen.
Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala go’day labo qeybood.

PTI07-08-2020_000238B
Howlgal badbaadin ah ayaa hadda socda, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmadka degdegga ah. Ugu yaraan labo ruux, oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda, ayaa geeriyooday, sida ay dad xog-ogaal ah u sheegeen BBC-da.
Rakaab kale oo badan ayaa dhaawacmay, sida aan kasoo xigannay afhayeen u hadlay shirkadda leh diyaaraddaas. Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah, ayna ka mid yihiin labo duuliye.
Musiibadan ayaa dhacday abaare 19:00 waqtiga maxalliga ah, xilli uu roob culus ka da’ayay gobolkaas. Daadab ka dhashay roobabka ayaa Hindiya ka socday muddooyinkii lasoo dhaafay oo lagu guda jiray xilli roobaadka.