Sheekh Ismaaciil Dheeg Oo Sheegay Inuu Dalka Turkiga Kusoo Arkay Xaafad Booli Qaran Layidhaa Oo Masuuliyiin Somaliland Ahi Guryo Ka Dhisteen
August 8, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa si adag u dhaliilay nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dalka ku maamusho isaga oo dhinaca kale xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE ku eedeeyey halka ay mareen Boqollaal Guri oo dan guud ahaan oo ku kala yaallay xaafadaha shacabka iyo Indian Line-ka ee Magaalada Hargeysa iyo waliba sidoo kale isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdo uu dhawaan dalka Turkiga ka maqlay oo ah in ay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku taallo xaafad loo bixiyay Booli Qaran oo ah goob ay guryo waaweyn ka iibsadeen saraakiil hore xilal uga soo qabtay Somaliland.