berberatoday.com
Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay Inay Samaynayaan Tiro-koob Guud Oo Lagu Ogaanayo Dadka Somaliland
August 10, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Axaddii maanta hortegay golaha wakiillada, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan samaynayaan tiro-koob rasmi ah oo lagu ogaanayo tirada guud ee Dadka reer Somaliland, gobolkasta, degmada kasta iyo guri kastaba.

Wasiir Gaafaadhi waxa uu sheegay in ay masuuliyadda wasaaraddaasi tahay diyaarinta qorsha guud iyo ururinta xogta Qaranka, isla markaana ay daba-gal ku samayso mashaariicda ay fuliyaan dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka wada mashaariicda kala duwan.

Waxa kale, oo uu Wasiirka Qorsheynta Qaranku Xildhibaannada Wakiillada faahfaahin ka siiyey qorshaha shanta sannadood ee Qaranka oo uu tilmaamay inuu leeyahay tiirar kala duwan oo horumarineed, waxaanu intaas raaciyey in mashaariicda dibedda lagu saleeyo qorshaha horumarinta qaranka.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali, waxa uu xusay in xannuunka Korona fayras uu hakiyey mashaariicdii sannadkan qorsheysnaa intoodii badnayd, isla markaana xoogga la saaray sidii dalka looga xakameyn lahaa cudurka Koofidh-19.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews