berberatoday.com
“Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland Waxan Ka Baqayaa In Uu Noqdo “Quud Aan Jirin Qoryo U Guro”Siyaasi Cali Guray.
August 10, 2020 - Written by admin

Sida Aan U Arko dhinaca iskaashiga horumarinta dhaqaalaha ee Taiwan iyo Somaliland kolay dhinaca Somaliland arimaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah dhinaca tamarta gaar ahaan xoogga korontada laga dhaliyo warshadaha ku shaqeeya dhuxul-dhagaxda oo Taiwan ay ka hesho 30% korontadeeda. Somaliland oo aynu ognahay qiimaha qaaliga ah ee korontada laga dhaliyo mishiinada ku shaqeeya naaftada caadiga ah een xataa ahayn naaftada culus ( heavy diesel) waxay carqalad ku tahay dhamaan mashaariicda horumarineed ee u baahan koronto sicir jaban sida warshadaha waxsoosaarka iyo adeegyada. Somaliland waxa la xaqiijiyay in dhulkeedu hodan ku yahay dhuxul-dhagaxda meelaha sida wayn loogu tilmaamona waxa ka mid ah Conqor oo bariga Berbera ah. Ilaa maanta wadamo badan oo ay ka mid yihiin kuwa hore ugu maray dhinaca warshadaha ayaa laga isticmaalaa tamarta dhuxul dhagaxda. Waxa ka mid ah dalalka Shiinaha iyo Hindiya iyo kuwo Yurub sida Jarmalka oo dib u bilaabay qodista dhuxul-dhagaxda wadankiisa iyo xataa dalka Maraykanka laftiisa in kastoo intii muddo ahayd ay joogsadeen mashariicdii qodista dhuxul-dhagaxdu. Somaliland hadii ay hesho koronto jaban oo ku soo baxda tamarta dhuxul-dhagaxda waa hubaal in wax badani ay iska bedeli karaan kuna talaabsan karto mashaariic badan oo horumar dhaqaale iyo shaqo abuurba leh.

Arinta kale waa dhinaca warshadaha sibidhka oo Somaliland ay soo saari karto wax aad uga badan baahideeda gudaha oo dibadda ay u dhoofin karo sibidh tayadiisu ay aad u sarayso.

Arinta sadexaad ee laga fakari karo in Somaliland iyo Taiwan ay iska kaashan karaan waa dhinaca kalluumaysiga. Somaliland oo 850Km oo xeebta Khaliijka Cadmeed ah haysata marka aan lagu darin biyo badeedka dhaqaale ee u gaarka ah ( Exclusive Economic Zone) waxa nasiib darro ah in manaafacaadsiga xagga kalluumaysga ay aad ugu liidato. Sidaa daraadeed hadii ay la kaashato Taiwan wax badan ayaa uga suurtogeli kara dakgliga dhoofinta kalluunka iyo khayraadka kale ee badda oo lacag adag ah iyo shaqo-abuur.

Waxa kale iyaguna muhiim ah dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dekedaha, iyo madaarada. Adeegyada horumarinta bulshada laftooda wax badan ayay inaga tari kartaa Taiwan. Tacliinta, caafimaadka iyo biyaha ayaana ugu muhiimsan.

Markaa hadii xukuumadda Somaliland xidheedhkan cusub isku daydo in dadkeeda ay uga faaiidayso wax badan ayaa uga suurogeli kara hadii kale xaalkeenu saw quud aan jirin qoryo u guro uun noqon maayo miyuu waxtar inoo yeelanayaa xidhiidhka aynu la bilawnay Taiwan oo laga yaabo weliba in dawladda uu ka cadhaysiiyay ee Shiinuhuna ay inagu soo maqan tahay

Siyaasi Cali Gurey

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews