Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Is Bedelka Ku Yimid Xidhiidhka Ay Beesha Caalamka La Leedahay
August 10, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay aragtideeda ku waajahan doodda la sheegay in Golaha Wasiirrada Kenya ka doodi doonaan aqoonsiga Somaliland, waxayna xustay inay Caalamka xaqa ugu leedahay aqoonsi caalamiya inay ka hesho.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xidhiidh dhinacayo badan leh leenahay, weftiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si leeg weftiyo ayeynu u dirnay, markaas inaynu xidhiidhkeena iyo iskaashiga aynu leenahayna weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya, Waddamada aynu jaarka nahay iyo Caalamkaba inay inay ka marag kacaan qaranimadeena iyo dawladnimadeena oo ay aqoonsiga aynu xaqa u leenahay ina siyaan ayeynu ka rabnaa”.