“Dagaalkii Xabsiga Xamar Waxaa Ka Dambeysay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsanme
August 12, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii xalay Xarunta xabsiga dhexe ee Xamar ku dhex-maray Maxaabiis ku jiray iyo Ciidanka ilaalada ka haayay Xarunataas.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay Xabsiga dhexe ay ahaayeen qorshe lagu doonayay in lagu sii daayo rag xabsiga ugu xidhnaa Al-shabaanimo.