berberatoday.com
“Dagaalkii Xabsiga Xamar Waxaa Ka Dambeysay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsanme
August 12, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii xalay Xarunta xabsiga dhexe ee Xamar ku dhex-maray Maxaabiis ku jiray iyo Ciidanka ilaalada ka haayay Xarunataas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay Xabsiga dhexe ay ahaayeen qorshe lagu doonayay in lagu sii daayo rag xabsiga ugu xidhnaa Al-shabaanimo.

Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in aan loo baahneyn in Mas’uuliyiinta xabsiga dhexe dusha loo saaro falkii shalay ka dhacay halkaas, isagoo Carabka ku dhuftay in maxaabiista loo geliyay hub si ay ugu dagaalaman.

“Arrinta Xabsiga Dhexe ka dhacday waa qorshe hay’addaha Nabadsugidda Soomaaliya ay ku sii deyneysay xubno Al-shabaab ah oo xabsiga ku xidhnaa” ayuu yidhi CC Shakuur.

Dhinaca kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay qaraxii maalmo ka hor lagu weeraray Xerada ay degan yihiin guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo sheegay in Khasaaraha ka dhashay qaraxaas la qariyay ayna qarinta arrintaas ka dambeysay Hay’adda nabadsugida, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo sii hadlaayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu yidhi ”Ra’iisul-wasaaraha cusub ee lasoo magacaabi-doono hadduu rabo kalsoonida dadka iyo in la aamino waa inuu taliska Nabad-sugidda hoggaankeeda ee iyaga shabaabka lakala garan la’yahay”.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews