Golaha Guurtida Oo Ka Dayriyey Aqoonta Dhakhaatiirta Ka Shaqeeya Somaliland.
August 12, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay ka doodday Xaaladda adeegyada Caafimaad ee dalka, Dhibaatada Dhakhaatiirta aan Xirfaddoodu wanaagsanayn ku hayaan Dadweynaha iyo siday muhiimka u tahay in Dawladdu ay arrimahaa hoos u eegto.
