Ku-xigeenka Labaad Ee Baarlamanka Soomaaliya Oo Sheegay In Al-shabaab Xasuuq Ka Geysteen Koonfurta Gobolka Mudug
August 13, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay xasuuq ka geysteen deegaanka Shabeelow oo ka tirsan Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.
Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa sheegay in ay Shabaab deegaankaas ku laayeen ugu yaraan 9 qof laguna dhaawacay 5 qof oo guryahooda jooga.
Dowladda federalka iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan si shacabka looga difaaco wuxuu ugu yeedhay cadowga Al-shabaab.
