Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya
August 13, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaraadka ah ee UCID ayaa ka hadlay aragtidiisa Xisbi ahaan hadalka ka dhanka ah Somaliland ee la sheegay inuu ka soo yeedhay Dawladda Itoobiya, waxaanu tilmaamay in aanay wax u jirin sida wax loo sheegayo.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale Xasan, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Madax-banaanida Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Somaliland iyo Itoobiya, waa laba Waddan oo jaar ah oo xidhiidh ka dhexeeyo, way dhacdaa in mararka qaar Waddamadu adeegsadaan erayo diblamaasiyadeed, laakiin hadalkan la sheegay inuu ka soo baxay Dawladda Itoobiya, siyaabo khaldan baa loo turmay oo waxaa muuqata in aad loo buun-buuninayo, laakiin in wax walba la hubsado ayaa daruuriya, maxaa yeelay Itoobiya sida hadalo looga keenayo, ayaa Somaliland hadalo looga geynayaa Itoobiya, markaas in hadalladaas khaldan labada dalba aad uga fiirsadaan ayaa daruuriya, waxaana la raba in xaaladaha hadda taagan in laga faa’iidaysto oo labada dal la iska hor keeno, laakiin taasi ma suurtagalayso, Somaliland iyo Itoobiya inay xidhiidhkooda sii xoojiyaan weeye”.