berberatoday.com
Dhakhtar Somaliyeed Oo Sheegay Inuu Diyaar Uyahay In Laga Faa’ideysto Xubnihiisa Jidhka Markuu Dhinto
August 14, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan waa asaasaha gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Amin Ambulance ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay wadaan olole ku aaddan isugu deeqidda xubnaha jidhka, qudhiisana uu diyaar u yahay in marka uu dhinto xubnihiisa loo saaro dadka u baahan.

“Waxaan doorbiday in aan anigu bilaabo oo aan anigu u hadiyadeeyo xubnaheyga marka aan dhinto kaddib, aniga ayaa diyaar u ah in laga faa’ideysto xubnaheyga marka aan dhinto kaddib”

Dr Cabdiqaadir wuxuu sheegay in uu la kulmay dad Soomaali ah oo uu dhimanaya caafimaad darro ku timid xubnaha jidhkooda isla markaana arrintaas wax laga qaban karo.

“Waxaan ka shaqeeyaa badbaada dadka marka maalin kasta waxaan la kulanaa dad Soomaali ah oo u dhimanaya caafimaad darro ku timid xubnihiisa shaqada ugu badan qabta sida kalyaha, beerka, wadnaha, sanbabada, waxaan u arkayay in wax laga qaban karo”

Soomaalida inta badan waxay isugu deeqdaa dhiigga balse intooda badani kuma baraarugsana isu deeqidda xubnaha jidhka, waa sida uu qabo Dhakhtar Cabdiqaadir.

“Runtii wacyigaas hadda Soomaaliya kama jiro, qof ku baraarugsan ma jiro, aqoonta iyo qalabkiina ma jiro adduunka oo dhana waa laga xusaa maalinta isugu deeqidda xubnaha jidhka 13-ka bisha Augost laakiin Soomaaliya kama jiro”

Wuxuu sheegay in dadka dhinta ee la aaso ee xubnaha jidhkooda caafimaadka qaba looga faa’ideyn karo kuwo xubnahooda caafimaad darro darteeda shaqada u gabay.

“Waxaa laga yaabaa boqolaal kun oo qof in sanadkii u dhimaneysa keli ka xumaatay ama wadno ka xumaaday ama beer ka xumaaday ama sanbab ka halaabay, laakiin dad sanbabkoodii beerkoodii keliyahoodii caafimaad qabaan lala aasayo laakiin looga faa’ideyn karay qofka kale laga yaabo in uu maalmo iyo sanado ku noolaan kari lahaa”

Cabdiqaadir wuxuu rumeysan yahay in haddii sare loo qaado wacyigelinta ku aadan isugu deeqidda xubnaha jidhka bani’aadanka in dad badan ay isa soo bixin doonaan.

“Laakin waxaan hubaa haddii wacyigelinta lasii wado..inay dhici doonto dad badan oo diyaar u ah in la helo ayaan ku rajowenahay”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews