Roob Dabeylo Wata Oo Ka Da,ay Degmada Laasgeel, Guryo Dumay Iyo Dad Dhaawacmay
August 14, 2020 - Written by admin
Dacarbudhuq(Berberatoday.com)-Roob wata Dabaylo Xoogan ayaa Caawa Fiidkii ka da’ay Xarunta Degmada Laasgeel ee Dacarbudhuq
Roobkan dufaanta wata ayaa dumiyey dhismayaal Tiro badan halka uu qaar kalena saqafka jiingada ka qaaday ,Ilaa imika inta la Xaqiijiyey waa 17 guri oo Dumay Ilaa shan qofna wa ay ku dhawacmeen Roob Dufaan wata oo caawa fiidkii ka da’ay Magaalada Dacarbudhuq ee Xarunta Degmada laasgeel.
