Askari Katirsan Ciidanka Qaranka Oo Uu Askari Kale Ku Dilay Degmada Lughaya Ee Gobolka Awdal.
August 15, 2020 - Written by admin
Lughaya(Berberatoday.com)-Alle ha U Naxariistee Waxa Tuulada Tuurka Ee Ka tirsan Degmada Lughaya lagu dilay Askari ka tirsanaa Saldhiga Geerisa ee ciidanka milatariga gobolka Awdal marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Saleebaan Cabdilaahi Jaamac Ducaale, sida uu shabakada u xaqiijiyay wariyaha madaxa banaan Mustafe Garbo ee ka hawlagala degmada Garbodadar.
Dilkan ayaa dhacay Aroornimadii hore ee shalay waqti uu hurdayay, kaasi oo uu falkan dilka ah uu Ugaystay Askari kale oo Ay ka wada tirsanaa ciidamada Milatariga gobolka Awdal.