China”Makhaayad Aan Dalab Cunto Lagaa Qaadeyn Ilaa Aad Ismiisaanto Iyo Sababta
August 16, 2020 - Written by admin
China(Berberatoday.com)-Maqaayad ku taalla dalka Shiinaha ayaa ku dhaqaaqday tallaabbo aan maqaayadaha dalkaasi looga baran oo ah inuu qofka ismiisaamo kaddibna dalabkiisa uu ku saleysnaanayo hadba miisaankiisa inta uu noqdo.
Maqaayadda waxay sida oo kale hirgelisay nidaam ama App marka uu qofka natiijada miisaankiisa uu geliyo uu moobaaylka u soo saarayo cuntada uu cuni karo ee isaga ku habboon.
Kaddibna qofka miisaankiisa uu badan yahay cunto yar ayaa laga iibinayaa halka qofka miisaankiisu caadiga yahayna laga iibinayo cunta inta uu doono.
Tallaabbada ay maqaayaddaasi qaadday iyo ololaha barnaamijkaasi heer qaranba si weyn ayaa looga horyimid iyada oo baraha bulshada laga sameeyey Hashtag looga soo horjeedo oo lagu dalbanayo iney maqaayaddaasi ka noqoto tallabbada ay qaadday isla-markaana ay macamiisheeda raalli geliso.
Hashtag baraha bulshada ay dadka ka soo horjeedo qorshahaasi ku wadaageenna waxaa wadaagtay oo ka falcelisay dad ka badan 300 oo malyan oo qof.
Maqaayadda Changsha waxay sheegtay “iney aad uga xuntahay” ololaha qaran ee ‘saxanka maran’ ama dadka iney cuntada yareystaan sida ay u macneysay ama ay u hirgelisay.
“Ujeeddada aan barnaamijkaasi ka laheen waxay ahayd inaan dadka ku dhiirragelinno iney joojiyaan cunnada saa’idka ah maadaamaa ay caafimaadka u wanaagsaneen balse ay cuntada u qaataan si caafimaadkooda u wanaagsan. Mardambana macamiishayada ku qasbi meyno iney ismiisaamaan” ayey tiri maqaayadda oo farriin ay macaamiisheeda uga raalli gelineyso tallaabbada ay ku dhaqaadqday qaab online ah u soo dhigtay.
Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping oo ololahaasi toddobaadkan daah furay, wuxuu ku baaqay heerka uu marayo adeegsiga cuntada faraha badan ee heer qaran uu yahay “mid laga argagaxo oo dhibkiisa leh”.
Farriinta Xi kaddib, ururka ay ku bahoobeen warshadaha soo saara waxyaabaha la cuno waxay ku baaqeen iney maqaayadaha magaalada Changsha ku yaalla ay yareeyeen noocyada cunnooyinka ee ay macamiishooda casha ahaan uga iibiyaan, ayna hirgeliyaan nidaam suuragelinaya iney dadku hal cunto oo keli ah dalbadaan halka qofka uu keligii uu cuntooyin kala duwan dalban lahaa ama uu cuni lahaa.
Telefishiinka dowladda wuxuu sida oo kale cambaareeyey tabinnada tooska ah (livestreams) dadka soo dhiga iyaga oo cunnooyin aad u badan hal mar wada cunaya.
Xigasho BBC-Somali.com