berberatoday.com
Geel Uu Soo Ritay Xannuun Faro Ba’an Ku Haya Noloshoodda Iyo Walaaca Soomaalidda
August 16, 2020 - Written by admin

Nairobi(Berberatoday.com)-Xoolo dhaqatada ku nool deegaannada waqooyi bari ee Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac ka muujinayay cudur ay sheegeen in uu laynayo geelooda, dadka qaar waxay sheegayaan in cudurkan uu yahay hargeb daran oo saamayn ku haya geela.

Maxamed Cabdi Shaalle oo ah wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha ee maamulka Gaarisa ayaa BBC u xaqiijiyay in cudurkan u ku dhacay qaar ka mid ah geela gobolka isla markaana baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in uu yahay cudur ka dhasha bakteeriyada.

“Geel badan-ba cudurkan la xanuunsaday oo ay xoolo dhaqatadu inoo sheegeen, kaddib waxaan samaynay in dhakhaatiir u dirno ay soo fiiriyaan waxa ay u maleyn karaan wax uu yahay cudurku, waxay markii hore u maleynayeen cudur la yidhaahdo Mers mase noqon cudurkaas halista badan kaddib baadhitaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in uu yahay cudur sababa bakteeriyada” ayuu yidhi wasiirka.

Wasiirku waxa kale oo sheegay in cudurkan aannu ahayn feyraska Corona, “Kaddib markii aan baadhitaan ku samaynay sheybaadh Gaarisa ku yaalla, waxaan xaqiijinay in cudurka aannu aheyn Corona ama Coronavirus wax u dhaw ama feyras”ayuu yidhi

Dhanka kale, dowladda Kenya waxay sheegtay in geela ku nool deeganadaas uu ku dhacay xanuun ka dhasha bakteeriyada oo ku dhaca neefmareenka kaas oo halis ah haddii si deg deg ah loo daweyn waayo, sida uu ku warramaya wargeyska The Daily Nation”Baadhitaanada waxay muujinayaan in cudurkan uu saameynayo geela dhallaanka ah, laguna arkay calaamadaha sida diif, qufac, neef qabatin iyo marka dambe dhimasho” ayuu yidhi agaasimaha guud ee laanta xanaanada xoolaha ee Kenya, Charles Ochodo, sida uu ku warramay wargeyska.

Dowladda waxay sheegtay in cudurka uu laaynayo geela wixii ka yar laba jir balse aannu aheyn cudurka Mers ee markii ugu horreysay ka dilaacay Sucuudiga sannadkii 2012-kii”Xanuun hergeb ah oo geela ku dhaca ayaa jiraa ,neefka wuu dhaxamuunayaa, luquntana wey soo boodayaan, geela marka uu xannuunku ku dhaco qufac buu bilaabay.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews