Barkhad Jamac Batuun Oo Ka Waramay Halka Uu Gaadhay Takoorka Beeshooda Lagu Hayo Iyo Qiso Dhab Ugu Dhacday Uu Ka Sheekeeyay”Daawo Muuqal
August 17, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlayay heerka Takoorka ee dadka reer Somaliland ku hayaan beelaha uu kasoo jeedo ee Gabooye ayaa yidhi;-
“Anigoo jaamacada Hargeysa dhigta kuliyadda shareecada ayaa macallin cashar noo dhigayay, tusaale u soo qaatay haddii qof Addoon ahi qof kale dilo looma dili karo.
Ardaydii baa tusaalihii aad u fahmi weyday dabadeedna waxa uu tusaale ku bixiyay, haddii qof ISAAQI qof MIDGAAN ah uu dilo looma dili karo qofka ISAAQ. Fasalkan kaligey baa dhigta wax beeshaa ka socda, waxa igu dhalatay ma baxsataa mise daaqadaad ka baxdaa oo xaalad naxdin leh iyo murugo leh bay igu noqotay”.