Kooxda Sevilla Oo Iska Xaadirisay Finalka Europa League Kaddib Markii Ay Ka Adkaatay Manchester United
August 17, 2020 - Written by admin
Lispon(Berberatoday.com)-Kooxda Sevilla ayaa iska xaadirisay finalka Europa League kaddib markii ay kaga adkaatay Manchester United 2-1, kulankii wareega afar dhamaadka UEFA Europa League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku mari waayeen labada kooxood ee Sevilla iyo Manchester United.
Daqiiqadii 9-aad kooxda Manchester United ayaa heshay rigoore ama gool ku laad, waxaana gool u badelay xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Bruno Fernandes, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Red Devils.